Afar askari ayaa ku dhintay in ka badan 60 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil, sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israa’iil (IDF).
IDF waxay intaas ku dartay in toddobo askari ay si xun ugu dhaawacmeen weerarka lagu qaaday saldhig “ku yaal Binyamina” magaalo qiyaastii 20 mayl (33km) u jirta koonfurta Haifa.
Ururka Xisbullah ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, oo ay ku sheegeen in ay la beegsadeen xero lagu tababaro guutada Golani ee militariga Israa’iil oo ku taalla deegaankaas, taas oo u dhexeysa Tel Aviv iyo Haifa.
Xafiiska warbaahinta ee kooxda hubaysan ee Xisbullah ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa weeraradii Israel ee koonfurta Lubnaan iyo Beirut Khamiistii.
Kooxda ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsadeen xerada ku taal waqooyiga Israa’iil iyadoo la adeegsanayo “raxan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn”.
Adeegga ambalaaska ee Israa’iil, Magen David Adom (MDA), ayaa sheegay in 61 qof ay ku dhaawacmeen weerarka oo ay ku jiraan saddex qof oo xaaladdooda ay halis tahay.
Waxa ay intaa ku dartay in 37-ka mid ah dhaawacyada loo qaaday sideed isbitaal oo gobolka ah, iuyadoona lagu daad gureeyay ambalaasyo iyo helikobteryo.
Bayaan ka soo baxay ciidanka Israa’iil ka hor inta aysan ku dhawaaqin dhimashada, waxaa war soo saaray adeegga gurmadka deg degga ah ee Israa’iil waxa ayna sheegeen inay arkeen saddax qof oo dhaawac daran ah, sidoo kalena ay jiraan 18 dhaawac ah oo aysan xaaladdooda darneyn, iyadoo ayna jiraan 9-qof oo kale oo ay iyana xaaladdooda daran tahay.
Warar kala duwan oo ay soo kala saareen kooxaha gurmadka deg degga ah iyo ciidanka difaaca Israa’iil ayaa muujinaya farqiga u dhaxeeya waxyeeladii ka dhalatay duqeymaha loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayd ee Xisbullah ku weerartay Israa’iil.
Xeerarka faafreebka Israa’iil ayaa markii hore ka hor istaagay warbaahinta inay si sax ah u tabiyaan halka ama bartilmaameedka, ka hor inta aysan ciidanku xaqiijin inay tahay saldhiga Binyamina.
Qaar ka mid ah warbaahinta Israa’iil ayaa sheegay in saldhigga ay duqeysay diyaarad aan duuliye lahayn oo ku socotay joog hoose waxa ayna ka soo duushay Lubnaan.
Fiidnimadii oo dhan, wargeysyada telefishinka, baraha bulshada iyo warbixinnada internetka ayaa muujinaya muuqaallada baabuurta gurmadka, oo ay ku jiraan helikobtarrada, kuwaas oo dhaawacyo u qaadaya isbitaallada waqooyiga Israa’iil.
Qaar badan oo ka mid ah dhaawacyada ayaa loo daadgureeyay xarunta caafimaadka Hillel Yaffe ee ku taal Hadera, iyadoo qaar kalena loo qaaday isbitaallada ku yaal Tel Hashomer, Haifa, Afula iyo Netanya.
Faahfaahinta ka soo baxeysa weerarkaan ayaa wali kooban, balse qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa u muuqda in ay ku sugnaayeen maaqaaxi, iyadoona diyaaradaha aan duuliyaha lahayn halkaas ku qarxeen.
Sawirro baraha bulshada lagu arkay ayaa muujinaya sida ay isku baddashay xaalka goobta iyo burburka goobaha diyaaraduhu ku qarxeen.