Thursday, September 19, 2024

Warrarkii ugu dambeeyey iyo tirada dadka ku dhintay shilkii diyaaradeed ee dalka Brazil – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, EPA

Diyaarad nooca rakaabka qaada ah ayna la socdeen rakaab dhan 61 qof ayaa ku burburtay gobolka São Paulo ee dalka Brazil.

Diyaarada oo ahayd nooca labada mator laha ah ee ‘Turboprop- ayaa ka soo duushay magaalada Cascavel ee koonfurta Paraná kuna sii jeeday gegida diyaaradaha ee Guarulhos ee magaalada São Paulo, ka dibna waxay ku dhacday xaafado la deggan yahay oo ku yaalla magaalada Vinhedo sida ay sheegtay shirkada Voepass airline.

Muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad oo si toos ah u soo dhacaysa, iyadoo ruxmaysay marka ay soo dhacaysay.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa ATR 72-500 ayaa waxaa saarnaa 57 rakaab ah iyo afar shaqaale ah. Maamulka deegaanka ayaa sheegay in aysan jirin cid ka badbaaday shilka.

Latest article