Waxa ay ku beegan tahay 10 sano kadib weerarkii rasaasta loo adeegsaday ee jihaadiga ahaa ee lagu laayey inta badan shaqaalihii golaha tifaftirka, ee wargeyska Charlie Hebdo ee Faransiiska, kaas oo xuska maalintaas, maanta soo saaraya cadadkoodii toddobaadlaha ahaa, si ay u muujiyaan in ay weli nool yihiin oo shaqaynayaan.
Toddobadii January 2015 waxay ahayd maalin wax weyn ka beddeshay xaalka Faransiiska, iyadoo dhiig daadasho lagu calaamadiyey dhammaadka Islaamiyiintii xagjirka ahaa.
Labada walaal ee Said iyo Cherif Kouachi ayaa xoog ku galay shir ka socday xafiiska Paris ee wargeyskii caanka ku ahaa dhanka maadeynta, halkaas oo ay ku dileen farshaxaniistayaashii caan ka ahaa ee Cabu, Wolinski, Charb, iyo Tignous.
Guud ahaan, 12 qof ayaa ku naf waayey weerarkaas ay fuliyeen labadan walaal, oo uu ku jiray askari Muslim ah oo bannaanka waardiye ka ahaa. Laba maalmood ka dib, labada wiil ee walaalaha ayaa lagu go’doomiyay goob ganacsi oo u dhaw garoonka diyaaradaha Charles-de-Gaulle, halkaas oo booliiska ay ku toogteen ayna ku dileen.
Isla maalintaas, Amedy Coulibaly – oo mar ka mid ahaa maxaabiista xabsiga ee Cherif – ayaa dilay afar Yuhuud ah isna, intii uu socday weerar isku-dubbaridan oo lagu weeraray dad ku sugnaa supermarket ku yaalla bariga Paris. Coulibaly, ayay markaaba boolisku dileen, isaga oo sidoo kale sii dilay askariyad hal maalin ka hor.
Toban sano kadib, Charlie Hebdo way shaqaynaysaa iyaga oo soo saara cadad toddobaadle ah oo leh mid (daabacan iyo midka internet-ka ah) waxaana ay baahiyaan nuqul ahaan qiyaastii 50,000.
Wargeysku wuxuu ka shaqeeyaa xafiis qarsoodi ah oo aan la aqoon halka uu ku yaal, iyada oo shaqaalihiisu ay ilaalo gaar ah leeyihiin.
Si kastaba ha ahaatee, tifaftirka cadadkan cusub oo loogu magac daray ‘xusuusta Talaadadii,’ ahna saamilaha ugu weyn ee wargeyska ayaa sheegay farxaddii iyo wargeyskiiba in ay weli nool yihiin.
“Rabitaanka in la qoslo weligii ma baaba’i doono,” ayuu yidhi Laurent Saurisseau – oo sidoo kale loo yaqaan Riss – oo ah farshaxan-yaqaan ka badbaaday weerarkii 7-dii Janaayo isagoo garabka laga toogtay, markaas.
“Maadaysku wuxuu leeyahay hal sifo oo naga caawisay inaan ka gudubno sannadahan murugada leh – waxa ay abuurtaa rejo. Haddii dadku rabaan inay qoslaan, waxa ay ka dhigan tahay, waxay rabaan inay noolaadaan.”
“Qosolka, maadayska, iyo sawir-gacmeedka dhammaantood calaamadaha rejo,” ayuu qoray.
Sidoo kale cadadkan gaarka ah oo 32 bog ka kooban waxaa ku jira 40-ka sawir ee ku guuleystay tartan sawir-gacmeed oo mawduuciisu ahaa “ku qosol Ilaahay.”
Mid ka mid ah wuxuu muujinayaa sawir-gacmeed uu sawir-yahanku is-weydiinayo: “Ma sax baa in la sawiro nin sawiraya nin kale oo sii sawiraya nin sawiraya sawirka nebi Muxammad?”
Weerarradii Charlie Hebdo iyo Hypercacher waxay hadda u muuqdaan in ay markaas hordhac u ahaayeen xilli madow oo dhimasho leh oo gilgilay Faransiiska casriga ah, xilli cabsida iyo argagixisada jihaadiga ah ay qayb ka noqotay xilligaas nolol maalmeedka.
Bishii Nofeembar 2015, weerarro rasaas ah ayaa ka dhacay tiyaatarka Bataclan iyo baararka ku dhow ee Paris. Bishii Luulyo ee xigtay, 86 qof ayaa lagu dilay xeebta Nice.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, ku dhawaad 300 qof oo Faransiis ah ayaa ku dhintay weerarro Islaami ah.
Maanta, soo noqnoqoshada weerarradan si weyn ayay hoos ugu dhaceen, waxaana sababta loo aanaynayaa guuldaradii kooxda Daacish in ay ka dhigan tahay inaysan jirin taageero muuqata oo ka imanaysa Bariga Dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, khatarta qofka dilaaga ah oo is abaabulay, oo ku saamoobay internetka, ayaa weli ah dhibaato joogto ah oo ka jirta Faransiiska iyo meelo kale.
Sababtii keentay dhimashadii Charlie Hebdo – oo ahaa sawir-gacmeedyo ka turjumayay Nabi Muxammad – hadda waxaa si adag looga mamnuucay daabacaadaha hawlahaas meel walba.