Ruushka iyo Ukraine ayaa qaaday weerarradoodii ugu waynaa ee loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ay ka hortageen 84 diyaaradood oo laga leeyahay Ukraine kuwaasi oo lala bartilmaameedsaday lix gobol oo ay ku jiraan qaar ku dhawaa caasimada Moscow, taasoo u qasabtay in duulimaadyadii laga weeciyo saddex ka mid ah garoomada waaweyn ee caasimadda.
Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu habeenimadii Sabtida 145 diyaaradood oo aan duuliye lahayn uu ku garaacay meel kasta oo dalkaasi ka mid ah, badina la soo riday.
Weerarradan ayaa imaanaya iyadoo la filayo in madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump uu cadaadis ku saaro labada dhinac si loo dhameeyo khilaafka.
Isku dayga Ukraine ee ah in ay bartilmaameedsato Moscow ayaa sidoo kale ahaa weerarkii ugu weynaa ee ay ku qaado caasimadda tan iyo markii uu dagaalku billowday, waxaana uuna ku tilmaamay mid “balaaran” guddoomiyaha gobolka.
Inta badan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu soo riday degmooyinka Ramenskoye, Kolomna iyo Domodedovo, sida ay saraakiishu sheegeen.
Ramenskoye, oo ku taal koonfur-galbeed ee Moscow, shan qof ayaa ku dhaawacantay afar gurina waxaa qabsaday dab ka dhashay burburka diyaaradaha, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka. Waxa ay intaa ku dartay in 34 diyaaradood lagu soo riday magaalada.
Bishii Sebtembar, haweeney ayaa lagu dilay weerar diyaarad aan duuliye lahayn loo adeegsaday oo ka dhacay Ramenskoye. Bishii May ee sanadkii hore, labo diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lagu burburiyay meel u dhow Aqalka Kremlin-ka ee bartamaha Moscow.
Dalka Ukraine, ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay ku dhufatay gobolka Odesa. Sawirro ayaa muujinaya holac ka kacayay dhismayaasha qaar, iyo sidoo kale burbur ka dhashay.
Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay in 62 ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan lagu soo farsameeyay la soo riday.
Duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Ruushka lagu soo waramayo inay gaareen guulahoodii ugu badnaa ee dhanka dhulka bishii October tan iyo bishii March 2022, sida lagu sheegay falanqaynta xogta machadka daraasaadka dagaalka ee wakaalada wararka ee AFP.
Si kastaba ha ahaatee, Sir Tony Radakin, oo ah madaxa difaaca ee UK, ayaa u sheegay barnaamijka Axadda ee BBC-da ee Laura Kuenssberg in Ruushka uu soo gaaray khasaaraha ugu badnaa bishaasi tan iyo bilowgii dagaalka.
Ciidamada Ruushka waxa soo gaaray celcelis ahaan 1,500 oo dhimasho iyo dhaawac ah “maalin kasta” bishii October , ayuu yiri.
Waxaa jiray hadal heyn xooggan oo ku saabsan sida Trump uu u wajihi doono dagaalka tan iyo markii uu ku guuleystay doorashadii Mareykanka.
Madaxweynaha la doortay ayaa si joogta ah u sheegi jiray xilligii ololihiisa doorashada in uu dagaalka ku soo afjari karo “maalin gudaheed”, balse ma uusan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan sida uu arrintaasi u sameyn doono.
Lataliyihii hore ee Trump, Bryan Lanza, ayaa BBC u sheegay in maamulka imaan doona uu diiradda saari doono sidii nabad loo gaari lahaa halkii ay Ukraine u suurtagelin lahayd inay dib u hesho dhul ay Ruushka la waeegeen.
Isaga oo ka jawaabaya, afhayeen u hadlay Trump ayaa hadalkaas ka fogeeyay madaxweynaha la doortay, isagoo sheegay in Mr Lanza “uusan isaga u hadli karin”.
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa u sheegay warbaahinta dawladda Axaddii in calaamado “wanaagsan” ay ka imanayaan maamulka Maraykanka ee imanaya.
Waxa uu ku andacoodey in Trump uu intii uu ku guda jiray ol’olaha doorashada ka hadlay in uu doonayo nabad oo aanu doonayn in uu guul darro u geysto Ruushka.
Trump ayaa la hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky tan iyo markii uu ku guuleystay doorashada, ilo wareedyo ayaa BBC u sheegay in wadahadalku uu qaatay “qiyaastii nus saac”.
Zelensky ayaa horey uga digay in dhul la siiyo Ruushka, waxaana uu sheegay in haddii aysan Ukraine helin gargaarka Mareykanka ay Ukraine ku guuldareysan doonto dagaalka.