Netumbo Nandi-Ndaitwah, waxa ay ku dhalatay tuulo lagu magacaabo Justina Nekoto oo dhacda waqooyiga Namibia, 29 Oktoobar 1952, aabaheed waxa uu ahaa Wadaad mad-habta Anglican ah, waxaa la dhashay 12 carruur ah, waxa ayna wax ku baratay St. Mary’s Mission ee Odibo.
Waxa ay waqtigeeda ugu badan ku soo qaadatay siyaasadda iyada oo ka mid ahayd xisbiga SWAPO, muddo dheer waxay ay haatan ahayd madaxweyne ku xigeenka Namibia.
Taariikh cusub ayay ka samaysay dalkaas iyada oo noqotay madaxweynihii ugu horreeyay ee haween ah oo Namibia.
Natiijooyinka uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Dalka Namibia, ayaa lagu sheegay in Netumbo Nandi-Ndaitwah oo ka tirsan Xisbiga haya talada dalka Namibia ee SWAPO loo doortay Madaxweyne, waxaana ay noqonaysaa haweenaydii ugu horreysay ee hoggaamisa dalkaas.
Haweenaydaan oo 72 jir ah ayaa ahayd madaxweyne ku xigeen inta aysan xilka madaxweynaha qaban.
Guusheeda ayaana sii kordhin doonta 34-tii sano ee uu hoggaanka hayay xisbigeeda SWAPO, kaas oo Namibia u horseeday xornimada dalkaas ku yaalla Afrika xaggeeda koofureed 990.
Waxay heshay ku dhawaad ​​57% codadka saxda ah ee tartanka madaxtinimada, marka loo eego natiijada kala duwan oo ay soo saareen guddiga doorashada ee Namibia.
Nandi-Ndaitwah ayaa u baahatay inay hesho in ka badan 50% codadka la dhiibtay si ay u xaqiijiso guusheeda.
“Qaranka Namibia waxay u codeeyeen si nabad iyo xasillooni ah,” Nandi-Ndaitwah ayaa tiri ka dib markii lagu dhawaaqay inay tahay madaxweynaha la doortay.
Xisbiga SWAPO waxay ku biirtay sanadkii 1960-meeyadii markii ay u dagaalamaysay xornimada waxayna ka soo shaqeysay doorar sare oo badan oo uu ku jiro wasiirkii arrimaha dibadda xilligii dimuqraadiga.
Musharaxa ugu weyn ee ay kula tartamaysay doorashadaan waxa uu ahaa Panduleni Itula oo ka socday xisbiga madaxa banaan ee Patriots for Change (IPC), kaas oo ku soo baxay kaalinta labaad isaga oo helay ku dhawaad ​​26% codadka.
Codaynta baarlamaanka Namibia waxaa aqlabiyadda ku guulaystay xisbiga SWAPO, waxa ayna heleen 51 kamid ah kuraasta 96 ah ee la doortay, xisbiga kale ee IPC waxay heleen 20 kursi waxa ayna noqon doonaan mucaaradka rasmiga ah.
Xisbiga IPC ayaa sheegay inaysan ku qanacsanayn natiijada ayna maxkamadda u gudbin doonaan doodooda, iyagoo ku tilmaamay habka doorashada “mid aad u khaldan”.
Codbixinta oo dhacday 27-kii bishii November ayaa waxaa hareeyay cillado farsamo iyo warqado yari, taas oo keentay in natiijada dib u dhac ku yimaado maadaama codeynta meelaha qaar waqti badan ay qaadatay.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegay in guusha xisbiga SWAPO, aysan ahayn mid wax ka badalaysa Namibia sababo la xiriira in dalkaas ay ka jiraan niyad jabka sii kordhaya ee shaqo la’aanta iyo cabasho la xiriirta cadaalad adrro, balse xisbiga ayaa haysta taageerayaal daacad u ah oo u badan dadka da’da ah iyo reer miyiga kuwaas oo ku xushmeeya halgankii dib u xoraynta Namibia.
Rakkel Andreas oo ah falaqeeye ayaa sheegay in haweenayda haatan noqotay madaxweynaha ay ku guuleysatay inay mideyso kooxo kala duwan oo ka tirsan SWAPO, isla markaana aan sumcadeeda hoos u dhicin eedeymaha musuqmaasuqa, si ka duwan xubnaha kale ee xisbiga.
“Waa gabadh dawladeed, waxay ku jirtay nooc hoggaan tan iyo markii aan xornimada qaadanay,” Andreas ayaa yiri. “Waxay fahantay nidaamka.” ayuu raaciyay.
Xilalka ay hore u soo qabatay waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta, wasiirka deegaanka iyo dalxiiska, iyo wasiirka arrimaha dibadda.