Thursday, September 19, 2024

Waa sidee xaalka magaalooyinkii Trump sheegay in ‘eyda laga cuno’ uuna ka bilaabi doono masaafurinta ugu badan? – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, Getty Images

Donald Trump ayaa sheegay in uu si weyn u tarxiili doono dadka soo galootiga ah ee ku sugan magaalo yar oo Ohio ku taalla oo ay ruxeen sheegashooyin aan sal iyo raad toona lahayn oo ah, taas oo ah in dadka ku soo qulqulaya ee badanaa reer Haiti ah ay cunaan xayawaannada rabaayada ah ee dabjoogta ah, sida eyda iyo bissadaha.

“Waxaan ka bilaabi doonnaa Springfield,” Trump ayaa yidhi Jimcihii, isaga oo intaa ku daray in magaalada ay “burbureen” dadka soo galootiga ahi.

Waxa uu sida oo kale xusay magaalo labaad oo ku taal Colorado, taas oo falanqeeyayaasha garabka midig ay si been abuur ah u sheegeen in ay ku jirto gacanta koox budhcad ah oo reer Venezuela ah.

Saraakiisha Springfield waxay sheegeen in sheegashada been-abuurka ah ee cunista xawayaanka ay naxdin ku keentay bulshadooda, ayna keentay hanjabaado rabshado wata oo sababay in loo xidhay iskuuladii halkaa ku yaallay.

Latest article