Tuesday, January 7, 2025

Ukraine oo weerar cusub ku qaadday gudaha Ruushka – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ukraine ayaa markii ugu horeysay bilowday duullaanka ay ku qaadday gobolka Kursk ee Ruushka bishii Agoosto

Ukraine ayaa weerar rogaal celis ah ku qaadday gobolka Kursk ee Ruushka, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka.

Moscow waxay sheegtay inay la kulantay weerar dhanka hawada ah oo loo adeegsaday madaafiic, halka saraakiisha Ukraine ay sidoo kale sheegeen in howlgal uu socdo.

Ciidamada Ukraine ayaa gudaha u galay gobolka Kursk bishii Agoosto, iyaga oo la wareegay qaybo kamid ah gobolkaas, balse ciidamada Ruushka ayaa dib uga riixay meelaha qaar iyaga oo aan ku guuleysan in ay gabi ahaanba ka saaraan.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dammaanad qaadka amniga ee horseedaya soo afjarida dagaalka uu noqon doono mid wax ku ool ah haddii Madaxweyne Trump uu bixiyo taageero buuxda.

Latest article