Shirkadda Apple ayaa ugu dambeyntii soo bandhigtay taxanaha cusub ee iPhone, kaasoo ah iPhone 16 oo lagu iibin doono meelo badan oo caalamka ka tirsan.
Noocan cusub ee iPhone 16 ayaa lagu sameeyay dib u casriyayn , taas oo dad badan ku qasbi doonta inay iibsadaan.
Munaasabadda sanadlaha ah ee shirkadda ayaa lagu qabtay Sebtembar 9-keedii fagaaraha Apple Park ee Cupertino, California, Mareykanka.
Markan, shirkadu waxay ugu magac dartay wax-soo saarkeed cusub “Wakhti iftiimaya”.
Iibinta noocan cusub ee iPhone 16 ayaa bilaabanaysa bishan Septembar, iyadoo qiimaha iPhone16 uu ka bilaabanayo $799.
Shirkadda Apple ayaa sidoo kale soo bandhigtay , qalab badan oo ay macaamiisheeda ugu talagashay.
Shirkadda ayaa soo bandhigtay taxanaha iPhone 6 ka dib markii ay soo saartay saacadda Apple Watch Series 10, AirPods 4, Apple Watch Ultra 2, AirPods Max.
Wadar ahaan afar nooc ayaa lagu soo bandhigay taxanahan taleefoonada kuwaasi oo kala ah iPhone 16, iPhone 16 Plus, iPhone 16 Pro, iPhone 16 Pro Max.
Muxuu la gaar yahay iPhone-16?
Noocan cusub ee taleefoonka iPhone-16 ee shirkadda Apple, waxaa xoogga la saaray garaadka macmalka ah ama waxaa loo yaqaano Artificial Intelligence. Noocan cusub ee taleefoonka iPhone-ka ayaa ah mid leh isla markana ku shaqeeya garaadka macmalka ah (AI).
Madaxa fulinta ee shirkadda Apple Tim Cook ayaa munaasabadda ka sheegay, “Waxaan ku soo bandhigeynaa iPhone-ka naqshad cusub oo leh garaad macmal ah iyo awood fiican.”
Tim wuxuu yiri, “Bishii June waxaan bilownay waxa loo yaqano Intelligence Apple. Nidaamkeena cusub ee sirdoon ee shakhsi ahaaneed gabi ahaanba wuu ka duwan kuwii hore siyaabo badan.”
Shirkadda waxay sheegtay in noocan cusub ee AI ay qofka siin doonto in uu sameeyo qoraal, sawirro iyo muuqaallo.
Noocan cusub ee iPhone waxa uu leeyahay badhan dhinaca kontoroolka ee kaamarada. qofka adeegsanaya, waxaa u suuragalaysa waxyaabo ay ka mid yihiin furitaanka app-ka kaamarada, gujinta sawirada, samaynta fiidiyowyada, soo-dhoweynta, sawir qaadidda iyo inaad xakameyso wax kasta oo kamarada ku saabsan.
Shirkadda ayaa ku andacoonaysa in tani ay fududayn doonto samaynta muuqaalada iyo gujinta sawirada iPhone-ka.
Iyadoo la bilaabayo Intelligence Apple dhowr bilood gudahood, dadka isticmaala waxay sidoo kale heli doonaan qaab ay u isticmaali karaan sida garaadka macmalka uu uga caawiyo adeegsiga Kaamarada
IPhone16 wuxuu leeyahay 48-megapixel oo ah nidaamka labada kaamero ee xagga hore iyo xagga dambe. Sidoo kale, muraayadda telephoto-ku waxay leedahay awoodda 2x zoom. Halka iPhone 16 Pro, uu leeyahay awood 5x zoom ah.
Apple iyo shirkadaha tignoolajiyada adduunka ayaa ku tartamaya in ay garaadka macmalka ah ee AI ku daraan qalabkooda, waxaana la filayaa in taleefanadu ay ka mid noqdaan goobaha ugu muhiimsan ee dagaalka.
Immisa ayuu ahaa qiimaha iPhone-kii ugu horreeyay?
Markii maamulaha Apple Steve Jobs uu daaha ka qaaday iPhone-kii ugu horreeyay ee sanadlaha ah ee Macworld Expo ee San Francisco 2007, aad ayaa loogu maadsaday.
Si kastaba ha ahaatee, hadda shirkaddani waxa ay noqotay mid ka mid ah shirkadaha ugu qanisan adduunka, ayadoo tirada dadka isticmaala iPhone ay si aad ah sare ugu kacday.
IPhone-kii ugu horreeyay ee Apple waxaa ka mid ahaa astaamo ay ka mid yihiin shaashad taabasho ah, iPod-screen ballaaran, taleefoonka gacanta, iyo browserka Internetka.
Qiimaha iPhone-kii ugu horreeyay waxa uu ahaa US$399 .IPhone-kan waxaa ku jiray adeegyo ay ka mid yihiin 16 GB, 3.5 inch touchscreen (shaashadda la taabto) iyo kaamaro2 megapixel ah.