Xanuunkan loo yaqaanno Monkeypox Soomaali ahaana la odhan karo furuqdaanyeer ayaa la soo werinayaa in uu ku faafay qaybo ka mid ah badhtamaha iyo bariga Afrika, saynisyahannadu waxa ay ka walaacsan yihiin sida dhakhsaha leh ee noocan cusub oo cudurkan ahi uu u fido iyo heerka dhimashada sare ee cudurka.
Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in suurtagalnimada faafitaanka dheeraadka ah ee Afrika iyo meelaha kale ee adduunka “ay tahay mid walaac badan leh”.
Xaalad degdeg ah oo hore oo caafimaadka dadweynaha mpox ah, ayaa lagu dhawaaqay sanadkii 2022, waxaa sababay Clade 2 oo yara fudud.
Si kastaba ha ahaatee, waqtigan waa kan ugu dhimashada badan Clade 1 – kaas oo dilay ilaa 10% kuwii ku bukooday fiditaankiisii hore – taasi waa kor u qaadaya.
Tan iyo bilowgii sanadka, in ka badan 13,700 xaaladood oo mpox ah ayaa ka dhacay DR Congo, iyadoo ugu yaraan 450 qof ay dhinteen.
Waxaana sida oo kale laga helay dalal kale oo Afrikaan ah – oo ay ku jiraan Burundi, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Kenya iyo Rwanda.
Waxaa la rajeynayaa ku dhawaaqista mpox oo ah xaalad degdeg ah oo ay dadweynaha u horseedi doonto in la helo cilmi-baaris, maalgelin, iyo soo bandhigida tillaabooyinka kale, oo lagu xakamaynayo.
Bishii July 2022 noocyada khafiifka ah ee Clade 2 ee xanuunkan ayaa ku fiday ku dhawaad 100 waddan, oo ay ku jiraan qaar Yurub iyo Aasiya ku yaal.
Si degdeg ah ayuu u faafay, waxaana jiray in ka badan 87,000 xaaladood iyo 140 dhimasho ah oo la soo sheegay intii uu cudurka dillaacay, marka loo eego tirinta WHO.
Waa maxay MPox ama furuqa daanyeerka?
Mpox, oo afka qalaad markii hore loo yaqaannay furuqa daayeerka ayaa ah xanuun uu sababo fayras. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah.
Waxaa jira laba nooc oo waaweyn kuwaas oo mudooyinkii danbe laga diiwaan galiyay cayayaanka, mid kamid ah waxaa lagu sheegay in uu ahaa mid si dhaqsi leh ku faafa kaas oo aanan saameyn weyn laheyn, halka midka kale uu yahay mid dilaa ah, waxaana lagu tiriyaa xayawaanada in laga qaado.
Dunida ayaa mar qura ku baraarugtay xanuun faafa kaas oo lagu magacaabo COVID-19 kaas oo si xowli ah ku faafay guud ahaan caalamka, balse midkaan hadda ee MPOX ayaa ka bilowday Afrika waxa uuna ilaa haatan ku faafay dalal aan badneyn walow durba qaylo dhaan laga muujiyay.
29kii Luulyo, Xarunta Yurub ee Ka hortagga iyo Xakamaynta Cudurku waxay sheegtay in khatarta fayraska mpox ay “aad u hoosayso” Yurub.
Qaar kamid ah calaamadaha Furuqa daanyeerka ‘MPox’
Calaamadaha lagu garto furuqa daanyeerka, waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, barar, dhabar-xanuun iyo muruqyada oo xanuuna qofka.
Marka qofka ay qandhada ka jabo waxaa ku hara nabro yaryar oo jirka ah, badanaa nabraha ayaa ka soo baxa wajiga, ka dibna waxa ay ku faafaan qeybaha kale ee jirka sida calaacalaha gacmaha iyo cagaha.
Finanka nabraha ah ee qofka ka soo baxa ayaa ah kuwo xanuun badan oo ay biyo fariistaan ilaa ugu danbeyn ay qalalaan.
Qofka wuxuu ka qaadi karaa qof qabo cudurka, waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho, neefsiga, wuxuu u gudbaa indhaha, sanka ama afka.
Waxaa kale cudurka laga qaadi karaa qofka marka uu qofka taabto xayawaanka uu ku dhacay feyraska sida Daanyeerka, jiirka iyo dabagalayaasha.
Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xoogaa daran yahay, khubaradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan.
Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas.
Ma jirto wax dawo ah oo lagu talagalay feyraska Monkeybox laakin waa laga hortagi kari karaa in uu fido.
Tallaalka ka hortagga busbuska ayaa la xaqiijiyay inuu 85% waxtar u leeyahay ka hortagga feyraska monkeypox , mararka qaarkoodna waa la adeegsan karaa tallaalkaas.
Feyraskan waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS.
Sida caadiga ah caabuqa nabarada ayaa iska baaba’a inta u dhaxeysa 14 ilaa 21 maalmood.