Monday, December 23, 2024

Milkiilaha barta TikTok oo noqoday qofka ugu taajirsan Shiinaha – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Marka loo eego liis ka dadka maal-qabeenka ah ee uu soo saaray Machadka Cilmi-baadhista ee Hurun Zhang Yiming ayaa kaalinta koowaad ka jira.

Aasaasaha barta caanka ah ee TikTok ayaa noqotay qofka ugu qanisan Shiinaha. Barta ayaa shirkadda ay hoos timaaddo la yihrahdo ByteDance.

Marka loo eego liis ka dadka maal-qabeenka ah ee uu soo saaray Machadka Cilmi-baadhista ee Hurun Zhang Yiming ayaa kaalinta koowaad ku jira waxana lacagta uu haysto lagu sheegay inay tahay $49.3 bilyan oo doolar taas 43% boqolkiiba ka badan lacagtii uu haystay sannadkii 2023.

41-jirkan ayaa ka iska casilay doorkiisii mas’uuliyadda shirkadda 2021, laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu leeyahay ku dhawaad 20% shirkadda.

TikTok waxa uu noqoday mid ka mid ah barnaamijyada warbaahinta bulshada ee ugu caansan adduunka, in kasta oo ay jiraan walaacyo qoto dheer oo ay dalalka qaar ka qabaan xiriirka ay la leedahay dawladda Shiinaha.

Latest article