Hoggaamiyihii ugu sareeyay Xamaas Ismail Haniyeh ayaa lagu dilay dalka Iran, sida ay kooxdu sheegtay.
Bayaan ay soo saartay Xamaas waxay ku sheegtay in Haniyeh lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday hoyga uu ka deggenaa Tehran.
Sida laga soo xigtay kooxda, Haniyeh ayaa dhintay kadib markii uu ka qayb galay xafladdii caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran Masoud Pezeshkian oo la dhaariyay Talaadadii.
Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in sababta “dhacdada” aysan weli caddeyn balse “la baarayo” sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP.
Kooxda Falastiiniyiinta ee maamusha Gaza ayaa sheegtay in Haniyeh ” lagu dilay weerar khiyaano ah”.
Israa’iil weli kama jawaabin ama war kama soo saarin.
Haniyeh, oo 62 jir ah, waxa uu ahaa xubin caan ka ah dhaq-dhaqaaqa Xamaas ilaa dabayaaqadii 1980-aadkii.
Mr Haniya waxa uu suugaanta Carabta ku bartey Jaamacadda Gaza, halkaas oo uu kaga lug-yeeshey dhaqdhaqaaqyada Islaamiga.
waxa uu jaamacadda ka qalin jabiyay sanadkii 1987-kii, wakhti ku dhow markii kacdoonka Falastiiniyiinta ee Inifada, ee looga soo horjeedey mustacmaradda Israa’iil uu Gaza ka bilowdey.
Israa’iil ayaa xabsiga dhigtay Haniyeh saddex sano sannadkii 1989-kii markaasoo ay la dagaalamaysay kacdoonkii ugu horreeyay ee Falastiiniyiinta.
Dabadeed waxa la musaafuriyay 1992-kii oo loo musaafuriyay dhul lama degaan ah oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Lubnaan, isaga iyo dhawr hoggaamiye oo Xamaas ah.
Haniyeh ayaa sanadkii 2006-dii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Falastiin, kadib markii ay Xamaas ku guuleysatay kuraastii ugu badneyd ee doorashooyinkii qaranka, balse sanad kadib ayaa laga cayriyay.
Haniyeh ayaa diiday ceyrintiisa isagoo ku tilmaamay “mid aan dastuuri ahayn”, isagoo ku nuux-nuuxsaday in dowladdiisa “aysan ka tagi doonin mas’uuliyadda qaran ee ka saaran dadka Falastiiniyiinta”, wuxuuna sii waday inuu xukumo Gaza.
Waxaa loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas sanadkii 2017-kii.
Sannadkii 2018-kii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa Haniyeh u aqoonsatay argagixiso. Waxa uu ku noolaa Qatar dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Weerarkii horay loogu qaaday gurigiisa
Sida ay sheegeen Ciidamada difaaca ee Israa’iil (IDF), waxay weerar ku ekeeyeen guriga uu deganaa hoggaamiyaha sare ee Xamaas Ismail Haniyeh, kaas oo ku yaalla Gaza.
Inkasta oo Ismail Haniyeh, oo ah madaxa garabka siyaasadda ee Xamaas uu ku nool yahay waddanka Qadar, waxay sheegeen ciidamada milatariga Israa’iil in gurigigiisa ‘loo isticmaalayay meel ay ku shaqaystaan argagixisada’ ayna sidoo kale ‘ku kulmaan hoggaamiyaasha sare ee ururka’.
Waxay sheegeen milatarigu inay isticmaaleen diyaaradaha dagaalka si ay u duqeeyaan guriga.
Dilkii wiilashiisa
Hoggaamiyihii siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa xilli hore xaqiijiyay in saddex ka mid ah wiilashiisa iyo afar carruur ah oo uu awoow u ahaa lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay Qasa.
Warbaahinta xiriirka la leh Xamaas ayaa sheegtay in gaariga ay la socdeen wiilashiisa lagu weeraray xerada Al-Shati oo ku dhow magaalada Qasa.
Haniyehxilligaasi waxa uu sheegay in dhacdadani aysan waxba ka bedeli doonin dalabaadka Xamaas ee wadahadallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabbad joojin ah.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in wiilashan ay ahaayeen xubno ka tirsan garabka militariga ee Xamaas.
Kooxdan ayaa la sheegay in ay u socdeen xaflad qoys oo ay ku xusayeen maalinta koowaad ee ciidulfitriga.
Haniyeh ayaa u sheegay telefishinka Aljazeera in saddex wiil oo kala ah Hazem, Amir, iyo Muhammad ay ku sugnaayeen Qasa intii uu dagaalku socday.
Bayaan ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in afar ka mid ah uu awoow u yahay Hanayih – Mona, Amal, Khaled iyo Razan – ay ka mid ahaayeen dadka lagu dilay waxa ay ugu yeereen “khayaano iyo fuleynimo”.
Haniyeh ayaa sheegay in uu warkan maqlay xilli uu booqanayay dhaawacyadii Falastiiniyiinta ee loo qaaday in lagu dabiibo caasimadda Qatar ee Dooxa oo ah halka uu deggan yahay hoggaamiyaha Xamaas.
Laakiin Mr Haniya markii la barbar dhigo hoggaamiyeyaasha kale ee Xamaas, waxa loo arkayay nin siyaasadiisu xoogaa ay ka dabacsantahey, taasoo loogu talagaley in lagu soo jiito Falastiiniyiinta kale.
Falcelinta ka dhalatay
Hoggaamiyaha Xamaas Muusa Abu Marzouk ayaa yiri “Dilka Haniyeh waa fal fuleynimo ah iyo sii kicinta ciqaab ah,” sida uu sheegay TV-ga Al-Aqsa ee taabacsan Xamaas.
Dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamiga ah ayaa yiri: “Dilka dambiga ah ee cadawgu u geystay astaanta qarankeena ma wiiqi doono iska caabinteena.”
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa si kulul u cambaareeyay dilka loo geystay hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh, isagoo ku tilmaamay fal fulaynimo ah iyo horumar halis ah.
Cabbaas ayaa ugu baaqay shacabka iyo ciidamada shacabka Falastiin in ay midoobaan, dulqaad muujiyaan oo ay ka hortagaan gumeysiga Israel.
Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Ansar Allah ayaa sheegay in dilka Haniyeh uu ahaa fal dambiyeed argagixiso iyo xadgudub bareer ah oo dhanka sharciga ah.