Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa u iftiimiyay Ukraine inay u adeegsato gantaalada riddada dheer ee uu Maraykanku u soo diray inay ku garaacaan bartilmaameedyo gudaha Ruushka ah.
Sarkaal Mareykan ah ayaa u xaqiijiyay tallaabadan oo ah mid wax weyn ka bedeshay siyaasadda Mareykanka, isagoo la hadlay warbaahin CBS, ee Maraykanka oo wadashaqayn ka dhaxayso BBC-da.
Muddo bilo ah, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, wuxuu dalbanyey in xannibaadaha laga qaado adeegsigooda gantaallada loo yaqaan ATACMS, taasoo u ogolaanaysa Kyiv inay weerarto meel ka baxsan xudduudaheeda.
Isagoo axadii ka falcelinayey warkan ayuu sheegey ” in waxyaabaha qaar aysan ahayn in la shaaciyo, gantaaladda ayaa laftooda hadli doona”
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa horey uga digay dalalka reer Galbeedka tallaabadan oo kale, isagoo sheegay inay taasi u taagan tahay isbaheysiga militari ee Nato “ka qeybgalka tooska ah” ee dagaalka Ukraine.
Wali kama uusan hadlin warbixinada Axadii in kastoo siyaasiyiin kale oo sarsare oo Kremlin ah ay ku tilmaameen mid aad u daran.
Go’aanka Washington ee gantaaladda ATACMS, wuxuu ku fadhiyaa marka la eego inuu ku xaddidan yahay difaaca ciidamada Ukraine ee ku sugan gudaha gobolka Kursk ee Ruushka, halkaas oo Kyiv ka bilowday duulaan lama filaan ah bishii Agoosto.
Dhaqan ahaan, maamulka Biden wuxuu Ukraine u sheegayaa inay taageeri doonaan dadaallada ay ku doonayaan inay ku xajiyaan qayb yar oo ka mid ah dhulka Ruushka ee ay hadda haysto, taasoo ah gorgortan xoog leh oo suurtagal ah mustaqbalka.
Serhiy Kuzan, oo ah guddoomiyaha xarunta amniga iyo iskaashiga ee Ukraine ee fadhigeedu yahay Kyiv, ayaa BBC u sheegay in go’aanka Joe Biden uu “aad muhiim ugu yahay ” dalka.
“Ma ahan wax bedeli doona habka dagaalka, laakiin waxaan u maleynayaa inay ka dhigi doonto ciidamadeena si siman.”
Gantaaladda ATACMS, waxay gaari kartaa ilaa 300km. Saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabin ayaa u sheegay New York Times iyo Washington Post in ogolaanshaha Biden ee isticmaalka Ukraine ee ATACMS ay jawaab u tahay go’aankii Ruushka uu ugu ogolaaday askarta Kuuriyada Waqooyi inay ka dagaallamaan Ukraine.
Mr Kuzan, ayaa sheegay in go’aanka Axaddii uu yimid ka hor weerar la filayo in ay geystaan ciidamada Ruushka iyo kuwa Kuuriya, kaasoo loogu talagalay in ciidamada Ukraine laga saaro gobolka Kursk ee Ruushka. Weerarka ayaa la filayaa maalmo gudahood.
Ukraine ayaa mar sii horreysay ku qiyaastay in Kursk ay joogaan 11,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah.
Go’aanka madaxweyne Biden ayaa sidoo kale ugu dambeyntii awood u siinaya Ingiriiska iyo Faransiiska inay u oggolaadaan Ukraine inay u adeegsadaan gantaallada Shadow ee riddada dheer ee gudaha Ruushka.
Ingiriiska iyo Faransiiska midkoodna weli kama jawaabin go’aanka Biden.
Bishii la soo dhaafay madaxweyne Zelensky ,wuxuu xaqiijiyay in Ukraine ay markii ugu horeysay u adeegsatay gantaalada riddada dheer ee uu u keenay Mareykanka si ay u duqeeyaan bartilmaameedyada Ruushka ee bariga dalkaasi.
Muddo bilo ah, Ukraine waxa ay la dagaalamaysay sidii ay dib ugu celin lahayd ciidamada Ruushka oo si tartiib tartiib ah ugu sii siqaya bariga gobolka Donetsk kuna wajahan magaalada muhiimka ah ee Pokrovsk – oo ah xudunta saadka ugu weyn ee ciidamada Ukraine.
Moscow ayaa sidoo kale si weyn u kordhisay duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka geysanayaan Ukraine. In ka badan 2,000 ayey ku rideen bishii Oktoobar, sida laga soo xigtay shaqaalaha guud ee Ukraine – tirada rikoorka ah ee dagaalka.
Habeenimadii Sabtida, Ruushku waxa uu qaaday waxa loo malaynayo in uu ahaa weerarkii ugu waynaa ee isku dubaridka ahaa ee bilihii la soo dhaafay, kaas ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof. Ku dhawaad 120 gantaal iyo 90 diyaaradood oo aan duuliye lahayn ayey ku tuureen dhanka Ukraine, sida uu sheegay Zelensky.
Weerarada ayaa sii socday fiidnimadii Axadda, iyadoo mas’uuliyiinta gobolka Sumy – oo u dhow xudduudda Ruushka – ay soo sheegeen siddeed qof kale in la dilay, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ka dib markii uu gantaal ku dhacay dhismo la deggan yahay.
Saraakiisha Ruushka ee ku sugan gobolka Bryansk, ee xudduudda ku yaalla ayaa ka warbixiyey weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ku soo diiradeeyey Ukraine habeenimadii Axadda balse waxay sheegeen in difaacooda ay soo rideen 26 diyaaradood oo aan duuliye lahayn.
Ukraine ayaa muddo bilo ah ku doodaysay in xulafadeeda aysan siinin dalkaasi taageero ku filan oo ay ugu ogolaato inuu si hufan isu difaaco.
Joe Biden, oo ka tagi doona Aqalka Cad bisha Janaayo, ayaa doonayay inuu dedejiyo gargaar dheeri ah oo la siiyo Ukraine.
Waxaa jira walaac laga in Donald Trump, oo loo doortay madaxweynaha dalkaasi uu gaabin doono ama uu joojin doono taageero kasta. Waxa uu ku tilmaamay taageerada militari inay tahay mid lagu gurmanayo dhaqaalaha Mareykanka, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu soo afjari doono dagaalka, isagoo aan cadeyn sida ay taasi ku dhici karto.
Maraykanku wuxuu ahaa kan hubka ugu badan ee siiya Ukraine. Intii u dhaxaysay bilawgii dagaalka iyo dhammaadka Juun 2024, Maraykanka ayaa u diray dalkaas hub iyo qalab kale oo qiimihiisu gaarayo ilaa 55.5 bilyan oo dollar oo gargaar hub ah sida uu sheegay machadka Kiel ee fadhigiisu yahay Jarmalka.