Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize ayaa geeriyooday isagoo 100 jir ah, sida ay shaacisay hay’addiisa samafalka.
Xarunta Carter Centre ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynihii Mareykanka ee 1977 ilaa 1981 uu si caadi ah ugu dhintay gurigiisa oo ku yaal magaalada Plains ee gobolka Georgia, “iyadoo ay ku hareereysan yihiin qoyskiisa”.
Carter wuxuu dhintay galabnimadii Axadda ka dib markii si gaar ah loo daryeelayay ku dhawaad laba sano, wiilkiisa ayaa yiri, sida laga soo xigtay Washington Post iyo The Atlanta Journal-Constitution.
“Aabbahay wuxuu ahaa geesi, aniga kaliya ma ahan, laakiin qof kasta oo jecel nabadda ayaa rumeysan, xuquuqda aadanaha iyo jacaylka aan shuruudda lahayn, yuu yiri wiilkiisa Chip Carter”.
Ninkan oo horay u ahaa beeralley looska ayaa u dabaaldagay dhalashadiisa 100-aad Oktoobartii la soo dhaafay, taasoo ka dhigtay inuu noqdo madaxweynihii ugu cimriga dheeraa taariikhda iyo, tan iyo geeridii George H.W. Bush ee 2018, oo ahaa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee Maraykanka.
Jimmy Carter waxa uu dhashay 1924kii waxa uu ku dhashay Georgia waxa uuna siyaasada galay 1960-meeyadii markii loo doortay golaha guurtida ee gobolka ka dibna waxa uu noqday gudoomiye 1971-kii.
Shan sano ka dib, wuxuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka si uu u noqdo Madaxweynihii 39-aad ee Mareykanka.
Dunidu waxay u murugootay Jimmy Carter
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u tacsiyeeyay Carter, isagoo sheegay inuu ahaa “Nin mabda’a, iyo iimaan leh,” isagoo xusay in Mareykanka uu aas qaran u sameyn doono Carter.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida, isagoo yiri “Mareykanka wuxuu ku leeyahay “mahadsanid”.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Jimmy Carter, isagoo yiri Carter “dhammaanteen wuxuu na baray waxa ay la macno tahay in aan ku noolaano nolol nimco, sharaf, caddaalad iyo adeeg sare leh”.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa u tacsiyeeyay Carter, isagoo xusay in qofka dhintay uu ahaa “Nin si aan daalin ah ugu shaqeyn jiray adduun wanaagsan oo cadaalad ah.”
Boqorka Britain, Charles ayaa tacsi u diray qoyska Carter iyo shacabka Mareykanka, isagoo yiri, “Fikirkeyga iyo ducadayda waxay la jiraan qoyska Madaxweyne Carter iyo shacabka Mareykanka xilligan.
Dhanka Faransiiska, Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa baroor diiq u sameeyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, isagoo ku sifeeyay inuu ahaa “Nin difaaci jiray xuquuqda dadka taagta daran, kana qayb qaatay fidinta nabadda adduunka.”
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa ka tacsiyeeyay Carter, isaga oo carabka ku adkeeyay in “doorkii caanka ahaa ee uu ku lahaa heshiiskii nabada ee Masar iyo Israa’iil ay ku sii jiri doonto diiwaanka cadaanka ah ee taariikhda.”
Carter waqtigiisii waxa uu la kulmay dhibaatooyin gudaha iyo dibadda ah
Carter, oo ahaa madaxweyne dimuqraadi ah, waxa uu xilka hayay hal xilli, oo ku ekaa 1981-kii, xilligaasi oo uu wajahay qalalaase dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed.
Carter intii uu xilka hayay waxa uu la kulmay caqabado badan oo dhanka siyaasadda arrimaha dibadda ah, waxaana mar kale isku soo sharraxay xilka madaxtinimo ee xisbiga Dimuqraadiga ay kaga adkaadeen xisbiga Jamhuuriga Ronald Reagan.
Dhibaatooyinkii uu la kulmay wax yar ka dib markii uu qabtay madaxtinimada Mareykanka ayaa isa soo tarayay.
Dhinaca gudaha dalka waxa ka dhacay shil shiidaal oo sababay sicir barar iyo shaqo la’aan baahsan,taasi oo sababtay in madaxweyne Carter ay dhibaato soo gaarto isaga oo isku dayaya in uu ku qanciyo dadka Maraykanka talaabooyin dheeri ah.
Dhacdadii ugu muhiimsaneyd ee taariikhdiisa soo marta isaga oo ah Madaxweynaha Mareykanka waxay ahayd saxiixii heshiiskii Camp David 1978-kii, kaasoo ay Masar si rasmi ah u aqoonsatay Dowladda Israa’iil. Waxa kale oo uu saxeexay heshiis damaanad qaaday in Panama ay dib u soo celinayso maamulka Kanaalka Panama.
Waa maxay sababta uu ugu guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel?
Kadib markii uu ka tagay Aqalka Cad oo leh qiimeyn hoose oo oggolaansho ah, Carter wuxuu diiradda saaray shaqada bini’aadantinimada wuxuuna ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2002 dadaalkiisa si kor loogu qaado dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha iyo kobcinta dhaqaalaha iyo sidoo kale horumarinta bulshada iyada oo loo marayo Xarunta Carter.
Waxa uu sidoo kale hogaaminayay wafdi uu ku qanciyay hogaamiyayaasha militariga Haiti in ay xilka wareejiyaan 1994-tii, waxaana uu dhexdhexaadiyay xabad joojin ka dhacday Bosnia, taasoo dhabaha u xaareysay heshiis nabadeed oo gobolka ah.
Isaga iyo Nelson Mandela, waxa ay aasaaseen The Elders, koox hoggaamiyeyaal caalami ah oo u heellan ka shaqaynta nabadda iyo xuquuqda aadanaha.