Wednesday, October 23, 2024

Haashim Sayfudiin: Israa’iil oo sheegtay inay dishay ninkii beddali lahaa Xasan Nasrallah – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Hashem Safieddine ayaa loo badinayay inuu baddelayo Xassan Nasrallah

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen wadaadka loo malaynayay in uu xilka kala wareegi doono hoggaamiyihii geeriyooday ee Xisbullah, Xasan Nasrallah , kaddib weerar xagga cirka ah oo ay fuliyeen ku dhawaad saddex toddobaad ka hor.

Haashim Sayfudiin ayaa ku dhintay duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan ee Beirut, sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israel (IDF).

Ururka Xisbullah, oo ah urur awood badan oo Shiicada Lubnaan ah lana dagaallama Israa’iil, ayaan wali xaqiijin geerida Sayfudiin.

Hoggaamiyihii hore, Nasrallah, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay Beirut 27-kii bishii hore ee Sebtembar.

Latest article