Guurka Jimmy iyo Rosalynn Carter ee 77 sano jiray ayaa qeyb ka noqday isbahaysigii siyaasadeed ee lammaanaha.
“Kiinnu waa jaceyl uu qof walba rajeyn lahaa inuu heysan lahaa,” ayay xiddigadda telefishinka ee Mareykanka Oprah Winfrey u sheegtay madaxweynaha hore sanadkii 2015.
Balse lammaanenimadooda keliya ma ahayn midow jaceyl – wuxuu ahaa isbahaysi siyaasadeed sidoo kale, waana mid lammaanaha gaarsiiyay Aqalka Cad iskuna sii hayay wixii intaa ka dambeeyay, ilaa ay iskala shaqeeyaan shaqo arrimaha bulshada oo daafaha dunida ah.
“Aad baan u faraxsanaa,” ayuu Jimmy Carter u sheegay New York Times sanadkii 2021.
“In kasii badan ayaana iyada jeclahay hadda in ka badan markii billowga – taasoo wax badan muujineysa, sababtoo ah aad baan u jeclaa.”
Madaxweyne Carter ayaa geeriyooday Axaddii isagoo 100 jir ah kadib markii dhowr bilood uu ku jiray qeybta gargaarka degdegga ah.
Rosalynn Carter ayaa iyadoo 96 jir ah geeriyootay November 2023, kadib markii laga helay xanuunka asaasaqa.
Kulankii kediska ahaa
Jimmy Carter ayaa sheekada sida uu kula kulmay xaaskiisa dhowr jeer ku sheegay wareysiyo.
Sida uu sheegay, waxay ahayd inuu kulan shukaansi la yeesho boqoraddii quruxda Georgia habeenkii uu la kulmay xaaskiisa mustaqbalka.
Balse kulankiisa wuxuu lahaa waajibaad qoys oo – sida kulamo shukaansi badan oo taariikhda aadanaha dhaca – way baaqatay.
Marka Carter, oo fasax ka ahaa Machadka ciidanka badda ee Mareykanka xilligaas, ayaa taas beddelkeed usoo dhaqaaqay magaalada uu kasoo jeeday ee Plains, Georgia.
Taasina waxay ahayd sida uu ku arkay haweeneyda beddeli doonta noloshiisa.
Wuxuu Rosalynn Smith ku arkay kaniisad fiidnimadaas wuxuuna ka codsaday inay filin isla daawadaan, sida uu u sheegay Winfrey.
Maalintii xigtay, hooyadiis ayaa weydiisay sida uu xaalku ahaa fiidnimadaas.
“Waxaan iri: ‘Waa qofta aan guursan doono,'” ayuu yiri Carter.
“Wax unbaa jiray iyada ku saabsan,” ayuu u sheegay Winfrey – oo kadib ka dhex gashay wareysiga si ay ugu sheegto Carter oo da’ ahaa inuu xishoonayo.
Carter ayaa sanado markaa ka horreeyay ay qabteen indhaha Rosalynn, markii ay booqatay walaashiis Ruthayna aragtay sawirka Jimmy oo yar.
“Waxaan jaceyl u qaaday sawirkaas,” ayay u sheegtay New York Times sanadkii 2021, wareysi kusoo beegmay sanad-guuradii 75aad ee guurkooda.
Balse, xilli uu ka sheekeynayay, Rosalynn ayaa waqti dheer ay ku qaadatay inay oggolaato inay is guursadaan. Markii hore way diidday markii uu usoo bandhigay xilli fasaxa Kirismadka lagu jiray.
Waxay kadib is guursadeen sanadkii 1946, markaas oo Jimmy uu ahaa 21 halka Rosalynn ah jirtay 18. Lama kala geyn karin ilaa geerideedii sanadkii lasoo dhaafay.
Iskaashi dhab ah oo siyaasadeed
Rosalynn Carter ayaa door muuqda ka qaadatay xirfaddii siyaasadeed iyo arrimaha bulshada ee seygeeda.
Markii joornaalka Atlanta uu wax ka weydiiyay inuu wax ka sheego waxyaabihii ugu weynaa ee lammaane ahaan u qabsoomay, wuxuu madaxweynihii hore ku jawaabay: “In la ii doortay madaxweyne iyadoo Rosa ay si fiican ii caawisay.”
“Ololaha si dhow oo wadajir baan iskula shaqeynay, Aqalka Cadna si dhow oo wadajir baan iskula shaqeynay.”
Rosalynn Carter ayaa ballaarisay rasmina ka dhigtay doorka Marwada Koowaad, iyadoo Xafiiska Marwada Koowaad ka dhex sameysay Aqalka Cad.
Lammaanaha ayaa daah-fur siyaasadeed si wadajir ah uga sameyn jiray Aqalka Cad, iyadoo Marwada Koowaad ay ka qeybgeli jirtay kulamada wasiirrada iyo shirarka.
Sanadkii 1977, waxay booqasho ku tagtay Bartamaha iyo Koofurta Ameerika si ay ugala xaajooto arrimo siyaasadeed oo waaweyn.
Waxay qaadatay doorar muuqda oo mas’uuliyado diblomaasiyadeed seygeeda garabkiisa ayayna taagneyd markii uu dhexdhexaadinayay Heshiisyadii 1978 Camp David ee u dhaxeeyay Israa’iil iyo Masar, waxayna seygeeda la talisay xilliyo badan oo ugu muhiimsanaa halkii xilli ee uu madaxweyne noqday.
Rosalynn Carter ayaa noqotay qof u doodda caafimaadka maskaxda, waxayna ka shaqeysay sidii dakhli loogu heli lahaa daryeelka caafimaadka maskaxda iyadoo Kongareeska u mareysay.
Waxay sidoo kale u hadashay dadka daryeelayay kuwa da’da ah, xanuunsan, amaba naafada ahaa.
Shaqo arrimaha bulshada oo joogto ah
Sida wax walba oo kale, reer Carters ayaa qabanayay shaqo ay gacmaha la galayeen kadib xilligoodii Aqalka Cad.
Waxay wax ka aasaaseen Xarunta Carter, oo ah urur aad faa’iido-doon ahayn oo u ololeysa xuquuqda aadanaha.
Lammaanaha ayaa gacan ka geystay in guryo laga dhiso dunida iyagoo la shaqeynayay Habitat for Humanity – oo ah urur aan faa’iido-doon ahayn oo dhisa guryo la awoodi karo – waxaana aalaaba sawirro laga qaadi jiray iyagoo si wadajir ah iskula shaqeynaya oo dharka shaqada xiran kuna sugan goobaha dhismaha ku sugan.
Lammaanaha ayaa sidoo kale si mutadawacnimo ah korjoogto uga noqon jiray doorashooyinka dalalka soo koraya taasoo qeyb ka ahayd ka go’naanshahooda xuquuqda aadanaha iyo dimuqraadiyadda.
Nolol dhexdhexaad ah kadib madaxtinnimada
Madaxda Mareykanka ee haatan ayaa aalaaba hela hanti kadib marka ay xafiiska ka tagaan, iyagoo saxiixaya buug qandaraasyo malaayiin doollar ah.
Waxay ku laabteen guriga yar ee Georgia halkaasoo ay degganaayeen kahor inta uusan Carter aadin Aqalka Cad – kaasoo lagu qiimeeyay keliya $167,000 (£133,000), sida laga soo xigtay warbixinta Washington Post sanadkii 2018.
Go’aanka loogu laabanayo Plains, Georgia, halkaasoo ay ku dhasheen iskuna jeclaadeen, ayaa qeyb ka ahaa sheekada lammaanaha kadib madaxtinnimada.
Jimmy Carter ayaa sidoo kale lacagta ugu yar ay uga baxday dowladda oo wax badan ma uusan kharash gareyn jirin.
Noloshooda dhexdhexaadka ayaa sii socotay ilaa geeridooda.
Madaxweyne Carter ayaa aas loogu sameyn doonaa Washington National Cathedral 9-ka January.
Balse sida uu ka dardaarmay, waxaa lagu dhinac aasi doonaa Rosalynn oo ku aasan Plains.