Aqalka Cad ayaa difaacay cafiskii madaxweyne Joe Biden uu u fidiyay wiilkiisa Hunter, kaddib markii uu ku celceliyay inuusan wax qorshe ah ka lahayn inuu cafis noocaan ah fuliyo.
Xoghayaha warfaafinta ayaa sheegay in Biden uu cafiyay wiilkiisa, kaas oo wajihi lahaa xukunka laba kiis oo federal ah dabayaaqada bishan.
Cafiskaan ayaa 54-jirkaan lagu magacaabo Hunter ka daboolaya dembi kasta oo suurtagal ah oo federaal ah kaas oo laga yaabo inuu galay muddo toban sano ah.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku gacan seyray tallaabadaas, iyadoo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uu ku tilmaamay “xad gudub iyo cadaalad darro”.
Xoghayaha saxaafadda Karine Jean-Pierre ayaa isniintii wariyeyaasha u sheegtay in Biden uu “juhdi galiyay” go’aankaan intii lagu jiray fasaxa Thanksgiving ee uu qoyskiisa kula qaadanayay jasiiradda Nantucket, Massachusetts, dhammaadkii asbuucii hore.
Madaxwqeyne Biden ayaana cafiska soo saaray fiidnimadii Axadda ka hor inta uusan u ambabixin safar rasmi ah oo uu ku tagayo Afrika.
Ms Jean-Pierre ayaa sheegtay in Biden uu rumeysan yahay in wiilkiisa Hunter uu noqon karo “bartilmaameed” sababo la xiriira shaqsiyaddiisa iyo in “mucaaradka madaxweynaha” ay sii wadi doonaan dabagalka ay ku hayaan wiilkiisa.
“Tani waa sababta uu madaxweynuhu tallaabadan u qaaday,” ayay raacisay.
Ms Jean-Pierre ayaa dhanka kale wariyeyaasha u sheegtay in Biden uusan cafin doonin wiilkiisa.
Bishii Juun, Hunter Biden ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee madaxweyne Mareykan ah uu dhalay kaas oo danbiilenimo loo xukumo ka dib markii xeerbeegtida Delaware ay ku heleen saddex eedeyn oo ay kamid yihiin inuu ka been sheegay isticmaalka daroogada iyo inuu iibsanayay qori gacmeed.
Bishii Sebtembar, wuxuu sidoo kale qirtay eedeymo la xiriira inuu bixiyo canshuurta federaalka.
Baaritaan ay xagaagan sameeyeen Congress-ka ayaa Biden loogu eedeeyay inuu ka been sheegay kadib markii uu iska diiday inuu wax lug ah ku lahaa ganacsigii wiilkiisa.
La taliyaha gaarka ah ee kormeeraya labada kiis, David Weiss, ayaa si cad u diiday sheegashada ah in Biden wiilkiisa loo bartilmaameedsanayo sababo la xiriira qoyskiisa.
Marwada koobaad ee Mareykanka Jill Biden ayaa Isniintii ka sheegtay Aqalka Cad: “Dabcan waxaan taageerayaa cafiska wiilkayga.”
Go’aanka madaxweynaha ayaa dhaliyay falcelin caro leh oo ka timid Trump iyo xubnaha kale ee ugu sarreeya Jamhuuriga, kuwaas oo maamulka Biden muddo dheer ku eedeynayay inay “hubeeyeen” waaxda caddaaladda oo ka dhan ah cadawgooda.
Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mike Johnson ayaa sheegay in “kalsoonida lagu qabo nidaamkayaga cadaalada ay ku dhowaatay in si aan kabasho lahayn u waxyeelowdo sababo la xiriira ku tagrifalka Biden.
Guddoomiyaha guddiga kormeerka ee aqalka James Comer ayaa sheegay in Biden uu “bilaw ilaa dhamaad ka been sheegay saameynta musuqmaasuqa ee qoyskiisa”.
Dhaleecaynta ay Dimuqraadiyiinta si joogto ah ugu jeedin jireen Trump ee ah in uu iska indho tiray sharciga ayaa aad looga aamusay.
“Balse go’aanka madaxweyne Biden ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid shakhsiyadeed oo ka hor imaanaya waajibkiisa kaas oo sii xumaynaya kalsoonida dadka Maraykanka ee ah in nidaamka cadaaladda uu yahay mid loo siman yahay” qoraalkaan waxaa boggiisa ‘X’ ku daabacay Senator-ka Colorado Michael Bennet.
Dimuqraadiga Texas ayaa kamid ah dadka difaacay madaxweynaha, iyo qareenkii hore ee difaaca Jasmine Crockett, oo barnaamijka Newshour ee BBC-da u sheegtay inay aaminsan tahay “inay adag tahay” in la helo kiis lamid ah midka laga gudbiyay wiilka Biden.
Neama Rahmani, oo ah dacwad ooge heer federaal ah, ayaa BBC-da u sheegay in uu aaminsan yahay in Biden uu marin habaabiyay dadka Mareykanka.
“Madaxweyne Biden wuxuu ahaa mid aan daacad ahayn markii uu sheegay in aanu cafin doonin wiilkiisa,” ayuu yidhi Mr Rahmani.
Marka uu xafiiska la wareego bisha Janaayo, Trump ma awoodo inuu baabi’iyo cafiska madaxweynihii ka horreeyay, ayuu yiri Mr Rahmani.
Awoodda madaxweynaha ee ah inuu dadka cafiyo waa “mid buuxda”, ayuu raaciyay.
Dhanka kale waxa uu sheegay “Ma jirto wax Donald Trump ama Jamhuuriga ay sameyn karaan si ay u joojiyaan go’aanka,”.