Thursday, December 5, 2024

Waa tuma gabadha madaxweynihii ugu horreeyay ka noqotay dalkan Afrikaanka ah – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Netumbo Nandi-Ndaitwah ayaa ahayd madaxweyne ku xigeen ilaa bishii Febraayo

Netumbo Nandi-Ndaitwah, waxa ay ku dhalatay tuulo lagu magacaabo Justina Nekoto oo dhacda waqooyiga Namibia, 29 Oktoobar 1952, aabaheed waxa uu ahaa Wadaad mad-habta Anglican ah, waxaa la dhashay 12 carruur ah, waxa ayna wax ku baratay St. Mary’s Mission ee Odibo.

Waxa ay waqtigeeda ugu badan ku soo qaadatay siyaasadda iyada oo ka mid ahayd xisbiga SWAPO, muddo dheer waxay ay haatan ahayd madaxweyne ku xigeenka Namibia.

Taariikh cusub ayay ka samaysay dalkaas iyada oo noqotay madaxweynihii ugu horreeyay ee haween ah oo Namibia.

Natiijooyinka uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Dalka Namibia, ayaa lagu sheegay in Netumbo Nandi-Ndaitwah oo ka tirsan Xisbiga haya talada dalka Namibia ee SWAPO loo doortay Madaxweyne, waxaana ay noqonaysaa haweenaydii ugu horreysay ee hoggaamisa dalkaas.

Latest article