Sunday, January 5, 2025

Haweeneey loo haysto wax is daba marintii ugu weyneyd adduunka – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Haweeneydan 68 jirka ah ayaa haatan wajaheysa caqabad

Haweeneyda hantiilaha ah ee dalka Vietnam Truong My Lan ayaa ku guul-darreysatay inay racfaan ka qaadato xukun dil ah oo lagu riday sababo la xiriira inay ku kacday wax is daba marintii ugu weyneyd adduunka ee bankiyada.

Haweeneydan 68 jirka ah ayaa haatan wajaheysa caqabad sababtoo ah sharciga Vietnam wuxuu dhigayaa in haddii ay soo celin karto oo ay gudi karto 75% wixii ay qaadatay, xukunkeeda loogu beddeli karo xabsi daa’in.

Bishii April maxkamadda ayaa ku heshay Truong My Lan inay si qarsoodi ah u maamuleysay bankiga Saigon Commercial Bank, oo ah bankiga shanaad ee ugu weyn dalkaas ee deymaha bixiya, isla markaana ay ka qaadaneysay deymo iyo lacag caddaan ah muddo 10 sano ka badan iyadoo u mareysay barta internet-ka oo ay shirkado ku mideysan yihiin, lacagahaasoo marka la isku wada daro noqoneya $44 bilyan oo doolar.

Lacagtaas ayay dacwad-oogayaashu ku sheegeen in $27 bilyan oo ka mid ah si aan habbooneyn loo maamulay, iyadoo $12 bilyan oo ka mid ahna la musuqmaasuqay, waana dembigii dhaqaale ee ugu darnaa abid kaasoo ay ku muteysatay in dil lagu xukumo.

Latest article