Thursday, December 5, 2024

Aqalka Cad oo difaacay cafiska madaxweyne Biden u fidiyay wiilkiisa Hunter – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Biden iyo wiilkiisa Hunter

Aqalka Cad ayaa difaacay cafiskii madaxweyne Joe Biden uu u fidiyay wiilkiisa Hunter, kaddib markii uu ku celceliyay inuusan wax qorshe ah ka lahayn inuu cafis noocaan ah fuliyo.

Xoghayaha warfaafinta ayaa sheegay in Biden uu cafiyay wiilkiisa, kaas oo wajihi lahaa xukunka laba kiis oo federal ah dabayaaqada bishan.

Cafiskaan ayaa 54-jirkaan lagu magacaabo Hunter ka daboolaya dembi kasta oo suurtagal ah oo federaal ah kaas oo laga yaabo inuu galay muddo toban sano ah.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku gacan seyray tallaabadaas, iyadoo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uu ku tilmaamay “xad gudub iyo cadaalad darro”.

Latest article