Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa cambaareeyay isagoo ku tilmaamay “naceyb” go’aan ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ku bixisay amar lagu soo xirayo dambiyada dagaal ee ka dhanka ah isaga iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant.
Waxa uu sheegay in ICC ay “been abuur” ku eedeysay ” iyo in ay si ula kac ah u beegsadaan dadka rayidka ah, tani marka aan sameyno wax kasta oo karaankeenna ah si aan uga fogaanno waxyeello soo gaarta rayidka”.
Maxkamadda ICC ayaa sidoo kale soo saartay warqad lagu soo xirayo taliyaha guud ee guutada Izz ad-Din al-Qassam, Garabka militariga ee Xamaas, Mohammed Deif, oo magaciisa buuxa uu yahay Ibrahim al-Masri, oo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Israa’iil ayaa sheegtay in bishii July lagu dilay Qasa.
Garsoorayaasha ayaa sheegay in ay jiraan “sababo macquul ah” saddexda nin ayaa leh “mas’uuliyadda dambiyada” eedeymaha dambiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah bani’aadanimada intii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xamaas. Israa’iil iyo Xamaas labaduba way diideen eedeymaha.
Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa cambaareeyay go’aanka ICC oo uu ku tilmaamay “Naceyb-diid”, halka Xamaas ay sheegtay in waaranka Netanyahu iyo Gallant ay dhigeen “tusaal taariikhi ah oo muhiim ah”.
Saamaynta waarannadan waxay qayb ahaan ku xirnaan doontaa in 124-ka waddan ee xubnaha ka ah ICC – oo aysan ku jirin Israa’iil ama xulafadeeda ugu weyn, Mareykanka ay go’aansan kara inay dhaqan galiyaan iyo in kale
Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanka uu diiday go’aanka ICC.
Si kastaba ha ahaatee, dhowr waddan oo Yurub ah ayaa sheegay inay ixtiraamayaan go’aamada maxkamadda.
ICC waxay awood u leedahay inay dacwad ku soo oogto kuwa lagu eedeeyay xasuuq, dambiyada ka dhanka ah bini’aadminimada iyo dembiyada dagaal ee dhulka dawladaha qaybta ka ah heshiiskii Rome, heshiiskii aasaaska ahaa.
Israa’iil ayaa diiday awoodda maxkamadda ICC, laakiin maxkamadda ayaa 2021 xukuntay in ay awood u leedahay Daanta Galbeed ee la haysto, Bariga Quddus iyo Gaza sababtoo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa aqbalay in Falastiiniyiinta ay xubin ka yihiin.
Waa maxay eedeymaha?
Bishii May, dacwad oogaha ICC, Karim Khan, ayaa ka codsay maxkamadda waaran lagu soo xirayo Netanyahu, Gallant, Deyf iyo laba hoggaamiye oo kale oo Xamaas ah oo tan iyo markii la dilay, Ismail Haniyeh iyo Yahya Sinwar.
Balse Israa’iil ayaa aaminsan in la dilay Maxamed Deyf.
Kiiska dacwad oogayaasha ee ka dhana raggan ayaa ka bilaabayo dhacdooyinkii 7-dii October, markaasoo rag hubeysan oo Xamaas ah ay weerareen koonfurta Israa’iil, oo ay ku dileen ilaa 1,200.
Israa’iil ayaa ka jawaabtay weerarkan iyadoo billowday olole milateri oo lagu ciribtirayo Xamaas, kaasoo inta lagu guda jiray ugu yaraan 44,000 oo qof lagu dilay Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Maxkamaddu waxay u heshay sabab macquul ah oo ay ku aaminsan tahay in Deyf, uu “mas’uul ka yahay dambiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada.
Netanyahu ma la xiri doonaa?
Marka laga yimaado waarannada, Netanyahu iyo Gallant ma wajahaan khatar degdeg ah oo dacwad ah, inkastoo ay ku adkeyn karto inay u safraan dibadda.
Farsamo ahaan, haddii midkood uu cag soo dhigo dal ka tirsan ICC waa in la qabtaa oo loo gacan geliyo maxkamadda.
Netanyahu safarkiisii ugu dambeeyay ee dibadda wuxuu ahaa bishii Luulyo kaas oo uu ku tagay Mareykanka, oo aan xubin ka ahayn. Laakiin sannadkii hore, wuxuu booqday dhowr waddan oo kale, oo ay ku jirto UK.
Markii saxafiyiinta ay weydiiyeen in Netanyahu la xirayo haddii uu yimaado UK, afhayeenka dowladda ayaa ku jawaabay: “Ma galeyno mala-awaal.”
Waxaa la rumeysan yahay in nidaamka sharciga gudaha looga baahan doono UK si loo go’aamiyo in la taageero waaranka.
Laba dal oo ka tirsan Midowga Yurub – Talyaaniga iyo Netherlands – ayaa si cad u sheegay inay soo qaban doonaan mid ka mid ah raggaas jooga dhulkooda. Dhowr waddan oo kale oo Yurub ah ayaa ballan qaaday inay u hoggaansami doonaan xeerarka ICC iyaga oo aan sheegin tan.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda ICC uu yahay mid khuseeya dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.
Xubnaha ICC had iyo jeer ma doortaan inay fuliyaan waarannada.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo loo raadinayay dambiyo dagaal oo lagu eedeeyay Ukraine, ayaa si diiran loo soo dhaweeyay, lamana xirin booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka ay dariska yihiin ee Mongolia – xubin ka ah ICC – bishii Sebtembar.
Koonfur Afrika, oo ah xubin kale oo ka tirsan ICC, ayaa sidoo kale ku guuldareysatay inay xirto madaxweynihii Suudaan ee xilligaas Cumar Al-Bashiir markii uu booqday 2015-kii inkastoo uu wajahayay waaran dambiyo dagaal oo lagu eedeeyay inuu ka geystay gobolka Darfur.
Sidee uga falceliyeen Israa’iil iyo Xamaas?
Netanyahu ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in ay tahay “maalin madow oo taariikhda bani’aadmiga ka mid ah”, isla markaana maxkamadda ICC ay noqotay “cadowga bini’aadantinimada”.
“Waa tallaabo naceyb ah oo leh hal yool – in la iga celiyo, in aan naga hor istaago in aan helno xaqayaga dabiiciga ah si aan isaga difaacno cadowga isku dayaya in uu na baabi’iyo,” ayuu yidhi.
Gallant, waxa uu sheegay in go’aanka maxkamada uu dhigayo in dawladda Israa’iil iyo hoggaamiyeyaasha Xamaas ay isku saf yihiin, sidaas awgeedna uu sharciyaynayo dilka dhallaanka, kufsiga haweenka iyo afduubka dadka waayeelka ah.
Xamaas ma aysan soo hadal qaadin waaranka Deyf, laakiin waxay soo dhaweeyeen waaranka Netanyahu iyo Gallant, iyagoo sheegay in go’aanka ICC “uu ka dhigan yahay tusaale taariikhi ah oo muhiim ah, iyo hagaajinta jid dheer oo cadaalad darro taariikhi ah oo ka dhan ah dadkeena”.
Israa’iil ayaa si kulul u beenisay eedeymahan ah in ciidamadeeda ku hayaan xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee ku sugan Qasa.
Maamulka Falastiiniyiinta – oo maamusha qaybo ka mid ah Daanta Galbeed – ayaa sheegay in go’aanka “uu ka dhigan yahay rajada iyo kalsoonida sharciga caalamiga ah iyo hay’addeeda” waxayna ku boorisay dalalka xubnaha ka ah ICC inay joojiyaan.