Monday, November 18, 2024

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo Ukraine u ogolaaday tallaabo ka dhan ah Ruushka – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, EPA

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa u iftiimiyay Ukraine inay u adeegsato gantaalada riddada dheer ee uu Maraykanku u soo diray inay ku garaacaan bartilmaameedyo gudaha Ruushka ah.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u xaqiijiyay tallaabadan oo ah mid wax weyn ka bedeshay siyaasadda Mareykanka, isagoo la hadlay warbaahin CBS, ee Maraykanka oo wadashaqayn ka dhaxayso BBC-da.

Muddo bilo ah, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, wuxuu dalbanyey in xannibaadaha laga qaado adeegsigooda gantaallada loo yaqaan ATACMS, taasoo u ogolaanaysa Kyiv inay weerarto meel ka baxsan xudduudaheeda.

Isagoo axadii ka falcelinayey warkan ayuu sheegey ” in waxyaabaha qaar aysan ahayn in la shaaciyo, gantaaladda ayaa laftooda hadli doona”

Latest article