Thursday, October 24, 2024

Maxaa lagu arkay hambeegarkan laga digayo in la cuno? – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hambeegar ay sameyso shirkadda McDonald’s ayay dadka ku nool Mareykanka ku xanuunsadeen, sida laga soo xigtay Xarunta Cudurrada iyo Xakameynta iyo Kahortagga dalkaas (CDC).

E. coli, oo ah nooc ka mid ah bakteeriyada oo sababi karta xanuun saa’id oo dhanka caloosha ah, ayaa laga helay hambeegarka shirkaddan, sida ay sheegtay xarunta CDC.

Ilaa iyo haatan, CDC ayaa diwaangelisay 49 kiis oo xanuun ah oo 10 gobol laga soo sheegay. Toban kiis ayaa ka dhashay in bukaannada la geeyo isbitaal iyadoo hal qofna uu dhintay.

Inta badan kiisaska ayaa laga diwaan-geliyay gobollada galbeedka iyo galbeedka-dhexe, sida ay sheegtay CDC.

Latest article