Monday, October 14, 2024

Xibsullah oo duqeyn cirka ah ku dishay askar Israa’iiliyiin ah tobnaan kalena ku dhaawacday – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xisbullah oo sheegatay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lala beegsaday Israa’iil

Afar askari ayaa ku dhintay in ka badan 60 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil, sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israa’iil (IDF).

IDF waxay intaas ku dartay in toddobo askari ay si xun ugu dhaawacmeen weerarka lagu qaaday saldhig “ku yaal Binyamina” magaalo qiyaastii 20 mayl (33km) u jirta koonfurta Haifa.

Ururka Xisbullah ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, oo ay ku sheegeen in ay la beegsadeen xero lagu tababaro guutada Golani ee militariga Israa’iil oo ku taalla deegaankaas, taas oo u dhexeysa Tel Aviv iyo Haifa.

Xafiiska warbaahinta ee kooxda hubaysan ee Xisbullah ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa weeraradii Israel ee koonfurta Lubnaan iyo Beirut Khamiistii.

Latest article