Sunday, September 29, 2024

Madaxweynaha Ruushka oo war cusub kasoo soo saaray adeegsiga hubka nukliyeerka – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in Ruushku si taxadar leh u tixgalinayo doonno weerar kaga yimaado dal aan Nukliyeer lahay oo ay taageerayaan mid ku hubaysan hubka Nukliyeerka inuu yahay “Weerar wadajir ah”, taas oo loo fasiran karo khatar ah in hubka Nukliyeerka loo adeegsado dagaalka Ukraine.

Hadalo muhim ah oo uu jeediyay habeennimadii Arbacada ayuu madaxweynaha Ruushka ku sheegay in dowladdiisa ay ka fiirsaneyso in ay wax ka bedesho sharciyada iyo shuruudaha horudhaca ah ee uu Ruushka u adeegsan doono hubkiisa Nukliyeerka.

Ukraine waa dal aan nukliyeer ahayn oo taageero militari ka hela Maraykanka iyo dalalka kale ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka.

Hadalladiisa ayaa imaanaya iyadoo Kyive, ay raadinayso in ogolaansho u hesho in gantaalada riddada dheer ee ay ka heshay dalalka galbeedka goobaha militariga Ruushka.

Latest article