Thursday, September 19, 2024

BBC da oo wariye hore Huw Edwards ka dalbatay in uu soo celiyo £200,000 oo uu mushaar ahaan u qaatay – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, Getty Images

BBC da ayaa waxay ka dalbatay Huw Edwards in uu soo celiyo lacag £200,000 taas oo uu u qaatay mushaar ahaan kadib markii la xiray bishii November ee sanadkii la soo dhaafay kadib eedeymo la xiiiray in uu ku xadgudbay caruur.

Barnaamij daadihiaha hore “si xun ayuu u dhaqmay” isaga oo iska sii watay in uu qaatay mushaarkiisa isaga oo ogaa waxa uu sameeyay, sidaas waxaa yiri madaxa BBC da Samir Shah oo soo saaray warqad.

Edwards oo horay u ahaa war aqriyaha ugu darajo sarreeya BBC da, ayaa sii qaadanayay mushaar muddo shan bilood ah kadib markii la xiray iyada oo lagu eedeeyay saddex dambi oo ah in uu masawiro anshax darro ah ay isla wadaageen caruur.

Waxaa laga mamnuucay shaqada bishii July waxaana la xiray afar biloodka dib xilligaas. Iskama uusan casilin shaqada BBC da ilaa bishii April.

Latest article