Friday, September 20, 2024

Yaxya Sinwar: Cirroolaha colaad u jooga ahaa ee Israa’iil ku noqday laf- dhuun gashay oo xil sare loo magacabay – BBC News Somali

Must read

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ka dib wadahadallo labo maalmood qaatay oo magaalada Doxa ee dalka Qadar ay ku yeesheen madaxda ururka Xamaas ayey ku dhawaaqeen cidda beddelaysa hoggaamiyahoodii siyaasadda Ismaaciil Haniya oo toddobaad ka hor lagu dilay dalka Iran.

Xamaas ayaa ku dhawaaqday in Yahya Sinwar, inuu noqonayo madaxa guud ee cusub ee Ururka isagoo beddelaya Ismail Haniyeh.

Ninkan ayaa tan iyo 2017kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Hadda waxa uu noqon doonaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed.

Hoggaanka Xamaas ayaa si wada jir ah u doortay Sinwar inuu hoggaamiyo dhaqdhaqaaqa, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan.

Latest article